Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Kale oo Caawa Muqdisho ka Dhacay


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo kale ay caawa ka dhaceen magaalada.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa lala beegsaday meel u dhow jidgooyo ciidamada amniga ku lahaayeen waddada Aadan Cadde ee degmada Wardhiigley. Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qarax labaad ayaa sidoo kale la sheegay inuu caawa ka dhacay magaalada gaar ahaan meel u dhow warshaddii hore ee barafuunka. Sidoo kale ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale hawlgallo dhinaca amniga ah ayaa la sheegay inay caawa magaalada ka socdaan kuwaasi oo lagu qabqabtay dad badan gara ahaan xaafadaha Waaberi iyo Xamar Jajab.

XS
SM
MD
LG