Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Dadku Roob Doon ha Isugu soo Baxaan


Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xaaladda abaarta ka taagan Somalia ay la socdaan cudurro halis, dadkuna ay bilaabeen inay ka soo cararan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa dadka Soomaaliya ugu baaqay inay maalinta Salaasada ah ee soo socota ay sameeyaan isu soo baxyo Alle Bari iyo Roob doon ah si Alle uu dadka uga qaado abaaraha ka taagan qeybo ka tirsan Soomaaliya.

Dhinaca kale gudaha Somalia waxaa ka socda dadaallo iyo gurmad loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Gurmadka waxaa hormuud ka ah qaar ka mid ah shirkaddaha ganacsiga kuwooda ugu waaweyn.

Cabdirashiid Dahabshiil
Cabdirashiid Dahabshiil

​Maamullaha guud ee shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale Dahabshiil oo VOA ay wareystay ayaa sheegay in shirkaddiisu ay 300 oo kun oo Dollar ugu deeqday gurmadka loogu tallagalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen eek u nool gobollada Bakool, Gedo iyo Hiiraan. Cabdirashiid wuxuu sheegay inay hore lacag gaaraysa hal malyuun oo dollar ugu deeqeen gurmadka abaaraha.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixin iyo wareysi.

Dhageyso Warbixin iyo Wareysi ku saabsan Arr. Abaaraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:33 0:00

XS
SM
MD
LG