Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaallada Ka-hortagga Abaaraha


Dhinaca kale, gudaha Somalia waxaa socda dadaallo iyo gurmad loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaana gurmadka hormuud ka ah shirkaddaha ganacsiga Somalia kuwooda ugu waaweyn. Maamullaha guud ee shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale Dahabshiil ayaa sheegay in shirkaddiisu ay 300 oo kun oo Dollar ugu deeqday gurmadka loogu tallagalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen eek u nool gobollada Bakool, Gedo iyo Hiiraan. Maxamed CAbdi Xasan ayaa Cabdirashiid Dahabshil khadka taleefonka ee Nairobi ku wareystay.

Dhinaca kalena, ganacsatada Koonfur-galbeed eek u nool magaalada Bossaso ayaa gurmad lacageed gaarsiiyay guddiga abaaraha ee Puntland. Warbixitan waxaa Bossaso nooga soo diray Yusuf Maxamuud Yuusuf.

Dhageyso Gargaarka Abaaraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:33 0:00

XS
SM
MD
LG