Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garsoore Diiday Amarki Labaad ee Trump


Trump Travel Ban Lawsuit
Trump Travel Ban Lawsuit

Xaakim federaali ah oo ku sugan gobolka Wisconsin ee waqooyiga dalka Mareykanka ayaa xukmiyey in amarka labaad ee madaxweyne Donald Trump ee dhinaca soo galootiga uusan qaban karin hooyo u dhalatay dalka Suuriya iyo canug yar oo ay dhashay oo ku xanniban magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Seyga qaba haweeneydan ayaa magangalyo ka helay gobolka Wisconsin, isaga ayaana kiiska xaaskiisa iyo gabadhiisa yar u gudbiyey maxkamada.

Garsooraha Maxkamada degmada ee gobolka Wisconsin, William Conley ayaa si kumeel gaar ah u go,aamiyey in amarka madaxweyne Trump uusan qaba karin hooyadaasi iyo gabadheeda yar.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horaanti todobaadkan soo saaray amar kale oo si kumeel gaar ah uga mamnuucaya muwaadiniinta lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka inay soo galaan dalkan Mareykanka.

Dalalkaasi ayaa kala ah Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

XS
SM
MD
LG