Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom: Waxaa Suurtagal ah in Qorshaha Iminka Uusan Guuleysan


Francisco Caetano Jose Madeira
Francisco Caetano Jose Madeira

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qirtay in qorshaha iminka ee isku haleeya kaliya weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqaya in la kordhiyo ciidamada Amisom, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay xukumaan goobaha horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Madeira ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xaaladda iminka ay ku sugan yihiin aysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga xoreeyey.

Isaga oo ula jeeda ciidamada Soomaaliya, ayuu Madeira sheegay in kuwii ay ahayd inay ayaga dagaalamaan ay Amisom ka sugayaan inay ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri in Amisom ay dhinac kala dagaalameyso Al-Shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa la joogaa, ayuu yiri, waqtigii aan caddeyn lahayn in Amisom aysan weligood joogi doonin Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo si buuxda u shaqeeya oo maamula goobaha Amisom ay ka xoreyso Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG