Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Kale oo Laga Masaafuriyey Mareykanka


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Dawladda Maraykanka ayaa tarxiishay koox kale oo muwaadiniin Soomaali ah oo la sheegay in maanta laga dejiyey magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta Muqdisho kasoo degtay diyaarad wadda Soomaaliya laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka.

Dadka lasoo masaafuriyey ayaa ilo lagu kalsoon yahay waxay idaacadda VOA u sheegeen inay tiradoodu dhan tahay 68 qof.

Waa markii labaad ee dad laga soo masaafuriyey Maraykanka ay soo gaaraan Muqdisho tan iyo intii uu xukunka qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Soomaaliya waxay ku jirtaa lix waddan oo dawladda Maraykanka ay si ku meel gaar ah muwaadiniintooda qaxootiga ka mamnuucday inay soo galaan Mareykanka.

Warbixin ku saabsan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dadkii la celiyey oo arrintan ka hadlay, hoos ka dhageyso.

Soomaali laga tarxiilay Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00

XS
SM
MD
LG