Isku xirrada

War Deg-Deg ah

CIA-da oo ka Hadashay Dokumentiyadii WikiLeaks


CIA Logo
CIA Logo

Hay’adda ugu sarreysa sirdoonka Mareykanka ayaa si shaacsan uga hadashay dokumentiyadii ugu dambeeyey ee uu baahiyey website-ka siraha faafiya ee WikiLeaks, ayada ku digtay in dadka Mareykanka ay si aad ah uga walaacaan cawaaqibka ka dhalan kara.

Afhayeen u hadlay hay’adda CIA-da ayaa diiday inuu xaqiijiyo sax ahaanshaha dokumentiyadan oo gaaraya 8,771, hase yeeshee waxa uu ku dooday inaanu wax shaki ah ku jirin damaca WikiLeaks ee ah inay waxyeelo gaarsiiso awoodda bulshada sirdoonka ay uleedahay inay dadka Mareykanka ka horistaagto weerarada argagixisada.

Afhayeenka Aqlaka Cad ee Mareykanka Sean Spicer ayaa isna sheegay inay tahay in qof kaasta oo Mareykan uu ka walaaco sirta la jabsaday.

Si la mid CIA-da, Spicer waxa uu diiday inuu xaqiijiyo sax ahaanshaha dokumentiyada WikiLeaks, hase yeeshee khuburo dhinaca ammaanka internet-ka qaabilsan iyo saraakiil hore oo sirdoonka ka tirsanaa ayaa VOA u sheegay inay u muuqdaan kuwo sax ah.

Professor Jonathan Aronson oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda University of Southern California ayaa VOA u sheegay in dokumentiyada ay muujinayaan oo kaliya in CIA-da ay gudaneysay shaqadii loo igmaday.

XS
SM
MD
LG