Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayaha Guud ee QM oo Booqday Soomaaliya


António Guterres Muqdisho
António Guterres Muqdisho

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

António Guterres oo kulan socday muddo kooban gudha garoonka Mqudisho kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu ku dhawaaqay in xilligan dad gaaraya 6.2 millian oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani'aadanimo.

António Guterres ayaa sheegay in beesha caalamka uga baahan yihiin taageero degdeg ah si aan loogu laaban macluushii dalka Soomaaliya ka dhacday sanaddii 2011.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay asaga iyo xoghayaha guud ay ka wada hadleen wax u qabashada dadku abaaraha saameeyeen ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud ayaa kadib socdaalkiisa Muqdisho, waxa uu u gudbay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Weriyeyaasheena Muqdisho iyo Baydhaba Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle iyo Mukhtar Catoosh ayaa warbixinadan inoo soo diray.

Antonio Guterres oo booqday Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:47 0:00

XS
SM
MD
LG