Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Abaaraha ka Cararay oo Gaaray Kismaayo


Weli Waxa taagan qeyla dhaanta gurmad doonka ah ee ku aadan abaaraha ba’an ee ka taagan Somalia, oo ay dhawaan shaacisay dowladda Somalia inay muddo 48 saacadood ah ay u dhinteen dad boqol ka badan.

Abaaraha ayaa ka dhashay roob la’aan, laakiin waxaa kaloo dadka u wehliya meelaha qaar colaad soo barakicisay.

Gobolka Jubbada Hoose waxa uu ka midyahay meelaha ay ku soo noqnoqdaan dagaalada u dhaxeeya Al-Shabab iyo ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa Kenya ee Amisom Qeybta ka ah.

Qoysas badan oo ka soo cararay tuulooyinka iyo dhulka miyiga ee gobolka oo ay colaadda iyo abaaraha saameeyeen ayaa soo gaarayay todobaadyadii u dambeeyay magaalada Kismayo.

Gudooiyaha Mamulka Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Timajilic oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed uga warramay arrimahaasi.

Dad qaxay oo gaaray Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:53 0:00

XS
SM
MD
LG