Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goleyaasha Somaliland Oo Waqtiga Loo Kordhiyey


Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa muddada ay qabsoomayso doorashada madaxtooyada iyo golayaasha wakiillada iyo deegaannada u qoondeeyay muddo ka duwan mid ay hore ugu heshiiyeen xisbiyada.

Fadhi ay maanta yeesheen ayaa guddi ka kooban 21 xubnood oo arrintaas loo xilsaaray, waxa lagu go'aamiyay in muddo-xileedka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo dhammaadka bishan ay xilka sii hayaan ilaa 13 bisha December ee sannadkan.

Mudanayaasha deegaannada iyo wakiilladaduna ayaa iyaguna ay go’aamiyeen inay xilka sii hayaan ilaa 28 APRIL 2019.

Warbixintan waxa Hargeysa ka soo diray weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo kulankaasi goobjoog ka ahaa.

Warbixin: Barkhad Maxamuud Kaariye
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:36 0:00

XS
SM
MD
LG