Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Degmada Afmadow


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka meel u dhow degmada Afmadow ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo dhex maray ciidamada Kenya iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Dadka dagan degmada Afmadow ayaa VOA u sheegay in dagaalku bilowday markii la weeraray kolonyo ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qeyb galeen diyaarad helicopter ah.

Ciidamada Kenya ayaa dagaalka guul ka sheegtay. Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay inay dagaalkaasi ku dileen 57 ka tirsan dagaalyahannada al-Shabaab, laakiin sheegashadaasi ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta.

XS
SM
MD
LG