Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiga oo Ku Baaqay in Sessions Is-casilo


Xubnaha dimqoraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa ku baaqaya in xeer ilaaliyaha qaranka Mareykanka Jeff Sessions uu faraha kala baxo baaritaanka lagu sameynayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimada Mareykanka ama uu is-casilo.

Arrintan ayaa ka dambeysya kadib markii ay soo shaac baxday in Sessions uu sanadkii tagay laba goor la kulmay safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka.

Sessions ayaa waxa uu taageero u ahaa madaxweyne Donald Trump markii uu xilka u ordayey, waxaana uu la-taliye u ahaa ololahiisa, isaga oo sidoo kalena ahaa Senator.

Kadib markii loo magacaabay inuu hoggaamiyo Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Sessions ayaa markii ay wareysanayeen xubnaha senate-ka waxaa la weydiiyey waxa uu sameyn doono haddii ay caddaato in xubno ka mid ah ololaha Trump ay xiriir la lahaayeen Ruuushka.

“Waxaa mar ama laba mar la iigu yeeray inaan taageero u noqdo oo difacao olaha Trump, mana jiro wax xiriir ah oo aan la lahaa Ruushka, kamana hadli karo arrintaas” ayuu ku jawaabay Sessions.

Sessions ayaa la kulmay safiirka Ruushka Sergei Kislyak bilihii July iyo September ee sanadkii tagay.

Bayaan kasoo baxay, ayuu Sessions ku sheegay inuusan wax saraakiil Ruushiyaan ah kala kulmin arrimo ku saabsan ololaha madaxweyne Trump.

XS
SM
MD
LG