Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Dambiyo Dagaal Ayaa Ka Dhacay Xalab


Dhinacyada isku haya maamulka magaalada Xalab ee dalka Syria ayaa galay dambiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixin cusub oo Jamciyadda qurumaha ka dhaxeysa ay maanta soo saartay.

Warbixintii ugu dambeysay QM ee dagaalka lixda sano ka socda dalka Syria ayaa sheegtay in duqeynta dhinaca cirka ah oo ciidamada Syria ay ku dileen 14 qof oo shaqaale gargaar ahaa, iyo hakinta gargaarka bani aadannimo ay qeyb ka ahaayeen dambiyada dagaal ee laga gaystay Xalab.

QM waxa ay sheegtay in ciidamada Syria iyo kuwa Russia ay si joogto ah oo aan kala sooc lahayn ay gantaalaha kalastarka ugu duqeynayeen qeybta bari ee magaalada Xalab oo mucaaradka ay haystaan intii u dhaxeysay bilihii July iyo December ee sanadkii tagey.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay halkaas, isbitaalana waa lagu burburiyey, taasi oo dambiyo dagaal dhalisay, sida ay warbixintu xustay.

Dhinaca kale, warbixintu waxa ay sheegtay in kooxaha mucaraadka ay dileen islamarkaana dhaawaceen tobaneeyo qof, markii ay hoobiyeyaal ku garaaceen qeybta galbeed ee magaalada oo dowladda Syria ay maamusho.

Kooxahan ayaa sidoo kale u diiday dadka rayidka ah inay ka baxaan bariga magaalada Xalab, waxayna ka dhigtaan gabbaad ay xabadda isagaa dhigaan, taasi oo ay sii dheertahay inay weerareen xaafadaha Kurdish-ka, sida warbixinta shaacisay.

Dhammaan ficiladdaas ayaa ah dambiyo dagaal, ayey tiri warbixinta QM.

XS
SM
MD
LG