Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Laba Qof Masaafurisay


Somaliland ayaa masaafurisay laba sarkaal oo ka tirsan hay'adaha DRC iyo DDG ee arrimaha gargaarka u qaabilsan dalka Denmark, ka dib markii ay ku kaceen falal la sheegay inay lid ku tahay diinta Islaamka.

Wasiirka Qorshaynta Maxamed Ibraahim (Qabo) ayaa warbaahinta u sheegay in labada mas’uul ee la masaafuriyay mid ka mid ahi uu qof shaqaalaha ka mid ah ka horjoogsaday inuu tukado, halka ka kalena uu wax ka sheegay aadaanka masaajidyada.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in goobta shaqada ee hay'adahaasi aanay ka jirin wax diinta wax u dhimaya, balse labadan qof ay ahaayeen kuwo iskood u sameeyay falkan.

Dhinaca kalana, inkastoo aanay arrintan ka hadal hay'adahani, haddana wasiirku wuxuu sheegay inay labada hay'adood arrintan kala shaqeeyeen xukuumadda, isla markaana ay shaqada ka joojiyeen labada qof.

XS
SM
MD
LG