Isku xirrada

Russia iyo China oo Veto Saaray Cunaqabateynta Syria


Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba shalay codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday inay xannibaan tallaabo golaha ammaanka ee QM uu cunaqabeteyn ku saari lahaa taliska dalka Syria, sababo la xiriira inuu hubka kiimakada u isctimaalay shacabka dalkaas.

Waxa ay ahayd markii toddobaad muddo lix sano ah oo dagaalka Syria uu socday, taasi oo Russia ay codka diidmada qayaxan u adeegsatay inay difaacdo maamulka madaxweyne Bashar al-Assad.

Dalka Bolivia oo sidoo kale xubin ka ah golaha ammaanka ayaa diiday tallaabadii laga qaadi lahaa madaxweyne Assad, halka dalalka Masar, Kazakhstan iyo Ethiopia ay ka aamuseen.

Si kastaba sagaal dal ayaa u codeeyey cunaqabateynta ka dhanka maamulka madaxweyne Assad, taasi oo ku filnaan lahayd inay dhaqan gasho, haddii aysan codka Veto ku diidin Russia iyo China.

XS
SM
MD
LG