Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin Laga Bixiyey Khudbadda Trump


Trump
Trump

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ballan qaadaya in khudbaddii ugu horreysay ee madaxweyne Trump uu caawa u jeedinayo congress-ka ay si buuxda diiradda u saari doonto xalinta dhibaatooyin dhab ah oo ay wajahayaan dadka Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa weriyayaasha u sheegay in madaxweynaha uu u sheegi doono Congress-ka in caawimaad ay jidka kusoo jirto.

Khudbaddan oo bixi doonta sagaalka habeennimo ee saacadda Bari ee Mareykanka ama shanta aroornimo xilliga Geeska Afrika ayaa cinwaan looga dhigay ‘Dib Usoo Nooleynta Qiiradii Mareykanka’, waxaana ay ku saabsanaan doontaa fursadaha dhaqaale iyo ilaalinta dadka Mareykanka.

Inkasta oo qeybo ka mid ah khudbadda looga hadli doono siyaasadda arrimaha dibedda, haddana saraakiishu waxa ay sheegeen inaysan fileyn in dal gaar ah lagu carabaabo.

Si kastaba Trump ayaa la filayaa inuu sabab u yeelo ka bixitaankii heshiiska ganacsiga dalalka Pacfic-ga ee TPP oo 12 dal ay ka wada hadlayeen.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa sheegay in khudbaddda madaxweynaha ay muujin doonto aragti niyadsami ku dhisan oo Mareykanka ku saabsan.

XS
SM
MD
LG