Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax Qof Dilay, Dad Kalena Dhaawacay


Qarax Baabuur (Sawir hore)
Qarax Baabuur (Sawir hore)

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in qarax ka dhashay baabuur lagu xiray waxyaabaha qarxa uu hal qof ku dilay magaalada Muqidhso, aroornimadii talaadada maanta ah.

Dhowr qof oo kale ayaa lagu warramay inay qarax ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee dhinaca waqooyi ka xigtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

M ajirto cid sheegatay mas’iiliyadda qaraxa, hase yeeshee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa inta badan sheegta kooxda Al-Shabaab.

Isniintii, ayaa afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda waxay ku dhaawacmeen markii uu qarxay baabuur ay ceyrsanayen.

Dadka baabuurkaas watay ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen iska day dil oo la doonayey in lagu khaarijiyo shaqaale rayid ah.

Qaraxa maanta ayaa imanaya ayada oo garoonka diyaaradaha Muqdisho uu shir heer sare ah uga socdo madaxda dowladda iyo beesha caalamka.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii looga hor-tagi lahaa macluul ka dhacda Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Axmed Xasan Colaad

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:53 0:00

XS
SM
MD
LG