Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabaddoon Muqdisho Lagu Dhaawacay


Wararka goor dhowayd naga soo gaadhay nagaalada Muqdishu ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dhaawaceen mid ka mid ah ergooyinka dhowaan ka qaybgalay doorashada aqalka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA u sheegay in nabadoon lagau magacaabo Cismaan Khayre ay dablay hubaysan ku toogteen Isgoyska Cali Kamiin ee u dhow garoonka ciyaaraha Muqdishu, isla markaana uu soo gaaray dhaawac.

Nabadoonka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergooyinka wax ka soo doortay xubnaha baarlamaanka Galmudug.

Dadka weerarka gaystay ayaa la sheegay inay baxsadeen.

XS
SM
MD
LG