Isku xirrada

War Deg-Deg ah

8 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Lahore


Police cordon off the area of explosion in Lahore, Pakistan, Feb. 23, 2017.
Police cordon off the area of explosion in Lahore, Pakistan, Feb. 23, 2017.

Qarax Khamiista maanta ka dhacay bariga dalka Pakistan, ayaa la sheegey inay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof ayna ku dhaawacmeen 20 kale.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Lahore.

Saraakiil, ayaa ku waramay inaysan caddeyn sababha qaraxaasi, waxaana uu qaraxaasi imaanaya maalin uun ka dib markii Pakistan ay shaaca ka qaadday inay qaadday howlgallo dalka oo idil laga sameynayo, kaas oo lagu cirib tiraayo argagixisada.

Weeraro argagixisnimo, ayaa waayadan ka dhacayey dalka Pakistan, iyadoo mitidiinta ay weeraro toddobaadyadii dhawaa ka geysteen dalkaasi la sheegey inay ku dhinteen 130 qof.

Kooxda Taliban ee dalkaasi Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraradaasi.

XS
SM
MD
LG