Isku xirrada

War Deg-Deg ah

 QM: 20 Milyan Ayaa Qarka U Saaran Macluul


Sawirro: Abaaraha ka jira Geeska Africa
Sawirro: Abaaraha ka jira Geeska Africa

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadi shalay ka digay in 20 milyan oo ruux oo ku nool afar wadan oo ay Soomaaliya ku jirto ay qarka u saaranyihiin macluul, hadii aysan Bulshada Caalamka ka hortagin arrintaasi.

Mr. Guterres ayaa sheegay in malaayiin ruux ay xaaladoodu hadda u dhaxeeyso nafaqadarri iyo geeri, isla markaana ay u nugulyihiin cuduro, halka kuwo kalana ay nafta ku qasabtay ineey qashaan xoolahoodii si ay cunto uga dhigtaan.

Dhinaca kalana, bayaan Arbacadii shalay si wada jir ah ay magaalada Muqdosho uga soo sareen madaxweynayaasha Somalia, Djibouti, Kenya iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia, ayaa si cad loogu qeexay xaaladda ay ku jiraan kumanaan qof oo somali ah oo ay saamaysay abaarta daba dheeraatay oo keentay macaluul dadka qaarkoodna ay nafaqo darro iyo cuduro is biirsaday u dhimanayaan.

Madaxdan ayaa bayaankooda ku saleeyay baaq ay u dirayaan beesha caalamka si loogu soo gurmado dadka ay waxyeeladu gaadhay.

Warbixin arrintaan ku saabsan waxaa noo diyaarisay Sahra Ciidle Nur.

Dhageyso Warbixinta Sahra Ciidle ay ka diyaarisay Abaaraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:07 0:00


XS
SM
MD
LG