Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u Diray Shacabka


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka aasaasiga ah ee dalka ka jira.

Madaxweynaha oo ka hadlay xafladdii maanta lagu caleemo saaray ayaa sheegay in caqabadaha horyaalla waddankan ay ka mid yihiin kuwa amniga, dhibaatooyinka abaaraha, dib u heshiisiinta, xoojinta sarraynta sharciga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marka la eego itaal darrada dawladda iyo caqabadaha taagan dartood ay yartahay waxa dawladdu qaban karto, waxaase uu sheegay inuusan dadaal la hari doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu soo celiyo sharaftii uammada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Al-Shabab inay joojiyaan dagaallada oo ay kusoo biiraan walaalahooda Soomaaliyeed. Waxa uu uga digay inaysan ka horiman karin rabitaanka 12 milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca arrimaha diebdda madaxweyne Framaajo ayaa sheegay in siyaasadda dawladda ay hagi doonoto is-ixtiraam iyo iskaashi, waxaana uu sheegay inaysan Soomaaliya faragelin doonin tan waddamada kale, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay filanayso tallaabadaasi oo kale.

Warbixintan waxaa goobta caleema-saarka nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Madaxweyne Farmaajo oo la caleemo saaray
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00

XS
SM
MD
LG