Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo la Caleemo Saaray


Caleemo saarka Farmaajo
Caleemo saarka Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la doortay sideeddii Febraayo, ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo ka qeyb-galay madax ay ka mid yihiin madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa labadaba sheegay in ay la shaqayn doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in sugidooda amniga ay suurto-gelisay inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladdiisu ay ka shaqayn doonto xoojinta amniga, dib u heshiisiinta, iyo shaqa abuurka dhallinyarada.

Waxa uu ballan qaaday in ay xiriir wanaagsan la samayn doonaan shacabka Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladdiisu tahay dowladda shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabaan rajo aad u sarreysa, balse xaqiiqdu ay tahay in wax walba aan lagu qaban karin afarta sano ee uu madaxweynaha yahay, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in Soomaalida laga faafiyey aragti aad u xun oo ah in ay yihiin dad musuq maasuq badan oo ay kaalinta ugu hooseysa ka galeen qiimeynta dowlad wanaagga dunida, hase yeeshee uu doonayo in Soomaaliya ay kaalinta koowaad gasho.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ballan-qaadayo inuu dib usoo celiyo sumcaddii iyo magacii ay Soomaaliya ku lahayd dunida.

Waxaa xafladda caleemo saarka warbixintan ka diyaariyey Jacfar Kuukaay.

Farmaajo oo la caleemo saaray
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:23 0:00

XS
SM
MD
LG