Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Kordhineysa Gargaarka Soomaaliya


Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kordhinayso gargaarka la gaarsiinayo Soomaaliya iyo waddamada deriska ah kadib cunno yaraan ka timid abaaraha, iyadoo meelaha qaarkood ay xaaladdu qarka u saaran tahay macluul.

QM waxa ay sheegtay in in ka badan lix milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunno, ayada oo dadkaas badankoodna ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya ay wajaheyso abaar aad u darran oo khuburadu ay sheegeen inay hoggaamin karto macluul, haddii mar kale la waayo xilli roobaadka.

Warbixintan waxaa Somaliland nooga soo diray Jason Patinkin, waxaa inoo soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

QM oo gargaar u yaboohday Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:08 0:00

XS
SM
MD
LG