Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Jubbaland oo ay Miino la Qaraxday


Wararka ka imaanaya galbeedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kolonyo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland oo marayay deegaan lagu magacaabo Yaaq-raar oo qiyaastii 25km dhanka gal beed uga beegan magaalada Kismaayo lagu weerary miino dhulka lagu aaso.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay, qaraxaan miino ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo kamid ahaa askartii saarnaa gaari ay miinada la qaraxday halka ay ku dhaawacmeen shan ruux oo kale kuwaasoo ay ku jiraan kuwa qaba dhaawacyo halis ah, waxaana dhaawacyada askartan la gaarsiiyay magaalada Kismaayo, sida ay howlwadeenada caafimaadka ay u sheegeen VOA-da.

Ciidamada weerarka miinada ah lagu qaaday ayaa ka soo laabtay howlgallo dhanka ammaanka ah oo ay maalmahaan ka wadeen deegaanada galbeed ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay inta badan ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Mas’uulyiinta Maamulka Jubbaland oo aanu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaraxan miino ee lala beegsaday kolanyada ka tirsan ciidamadooda.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale VOA-da u xaqiijiyay in kolanyada la weeraray ay yihiin oo kaliya Ciidamo Soomaali ah, balse aysan ku jirin ciidamo AMISOM ah.

Arrintan ayaa imaaneysa xili todobaadyadii ugu dambeeyay ay deegaanada galbeedka Gobbolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya ay ka socdeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ay barbar socdeen wacyi gellin ay dadka deegaanka ugu baaqayaan inay ka qeyb qaataan dagaal cusub oo ay ku qaadayaan dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo.


XS
SM
MD
LG