Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Soo Rogaya Amarro Kale


Xoghayaha Waaxda Amaanka Qaranka Mareykanka John Kelly ayaa sheegay in amarada cusub ee todobaadkaan uu soo rogi doono madaxweynaha Mareykanka ay noqon doonaan kuwo si wanaagsan uga abaabulan amarki hore ee jahwareerka ka dhaliyey garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee dalkaan.

Amarkaan ayaa ah kii uu madaxweyne Trump uga mamnuucay ineey Mareykanka soo galaan muwaadiniinta 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka oo ay Soomaaliyana ku jirto, balse hada wax laga soo badalay.

Isaga oo ka hadlayey shirka sanadlaha ah ee Amniga ee ka socda magaalada Munich eedalka Jarmalka, ayuu Mr. Kelley sheegay in qeyban cusub ee lagu soo kordhin doono amarka Trump uusan saameyn doonin dadka heysta Kaarka Cagaaran ee daganaasha Mareykanka iyo kuwa heysta dal ku galka shaqada.

Amarkaan cusub ee ka dhanka ah soo galootiga ayaa waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo Talaadada.

XS
SM
MD
LG