Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Soo Saaraya Amar Fulineed Cusub


Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa qorsheenaya inuu soo saaro amar fulineed cusub oo lagu beddelayo mamnuucista socdaal ee la saaray toddobada dal oo dadkooda ay muslimiin u badan yihiin.

Amarkii hore ee madaxweynaha ayaa waxaa diiday maxkamad federal oo ku taalla magaalada Seattle ee gobolka Washington, ayada oo dowladda sidoo kale ay ku guul darreysatay racfaan ay u qaadatay maxkamadda sagaalaad ee racfaanka.

“Soo saarista amarka cusub, waxa ay dhabbaha u xaari doontaa in madaxweynaha uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu dalka iyo nabad-galyadiisa u ilaaliyo” Waxaa sidaas tiri Waaxda Cadaaladda Mareykanka.

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ayaa madaxweyne Donald Trump, waxa uu ku sheegay in amarka cusub oo la saxiixi doono bartamaha toddobaadka soo socda “uu si buuxda u ilaalin doono dalkeena”.

Amarkii hore ee madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu muudo 90 cisho ah inay Mareykanka soo galaan ka mamnuucay dadka kasoo jeeda dalalka Somalia, Iraq, Iran, Libya, Sudan, Yemen iyo Syria, waxaana uu sidoo kale joojiyey dhammaan qaxootigii iman lahaa Mareykanka muddo afar bilood ah.


XS
SM
MD
LG