Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mattis: Lama Shaqeyn Karno Ruushka


Jim Mattis
Jim Mattis

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta meesha ka saaray wax wada shaqeyn milatari ah oo dhex mara Mareykanka iyo Ruushka, isaga oo sheegay in duruufaha hadda jira aysan ahayn kuwa saxan.

“Hadda ma joogno heer aan wada shaqeyn milatari ku yeelan karno. Hase yeeshee hogaamiyayaasheena siyaasadda ayaa hadli doona oo wax isku raaci doona” waxaa sidaas yiri Mattis oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta NATO ee Brussels.

Ka hor inta wada-shaqeyn milatari aysan dhicin, Ruushka waa inay caddeeyaan inay u hoggaansami karaan xeerarka caalamiga ah, ayuu yiri Mattis.

Hadallada Mattis ayaa yimid kadib markii wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu uu sheegay in Moscow “ay diyaar u tahay inay dib usoo celiso wada shqeyntii ay la lahayd Pentagon-ka”.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marar badan ammaanay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, isaga oo sheegay inuu daneynayo in labada dal ay wada-shaqeyn yeeshaan.

XS
SM
MD
LG