Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lataliyihii Amniga Qaranka Mareykanka oo Iscasilay


Michael Flynn
Michael Flynn

Lataliyihii dhinaca ammaanka qaranka ee madaxweynaha Mareykanka Michael Flynn ayaa iscasilay, kadib marki ay soo bexeen eedeymo sheegaya inuu xiriir la sameeyey Ruushka.

Wargeysyada Washington Post iyo New York Times ayaa Jimcihii lasoo dhaafay ku warramay in Flynn uu kala hadlay safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka Sergey Kislyak arrimo ku saabsan cunaqabateyntii uu madaxweynihi hore ee Mareykanka Barak Obama saaray Ruushka, ka hor inta uusan xilka baneyn.

Eedeymahaasi waxaa beeniyey maamulka madaxweyne Trump.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si ku meel gaar ah ugu magacaabay Gen. Keith Kellogg inuu noqdo lataliyaha dhinaca ammaanka qaranka.

Xil ka tegista Flynn ee wax ka yar hal bil inta uu jiro maamulka Trump ayaa qeyb ka noqoneysa dib u dhacyo aan caadi ahayn oo maamulka uu la kulmay.

Flynn ayaa taageere daacad u ahaa Trump intii uu socday ololaha doorashada, hase yeeshee xiriirka uu la leeyahay Ruushka, ayaa walaac abuuray.



XS
SM
MD
LG