Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaatiir Lagu Xiray Dalka Kenya


Garsoore Kenyan ah ayaa xabsi muddo bil ah ku xukumay saraakiil ka tirsan Midowga Dhaqaatiirta dalka Kenya, sababo ka xiriira shaqo joojinta muddada socota oo ay wadaan.

Dhaqaatiirta ayaa dalbanaya mushahar ka wanaagsan kan iminka ay qaataan iyo xaalad shaqo oo ka wanaagsan tan iminka.

Shaqo joojinta ay wadaan ayaa socotay tan iyo shanti bishii December ee sanaddii 2016.

Dhaqaatiirta ayaa doonaya in dowladda ay fuliso heshiis la gaaray sanaddii 2013 oo lagu siinayo mushahar ka wanaagsan kan iminka ay qaataan, waxayna diideen yaboohyo ka yar heshiiskaas.

Macalimiinta jaamacadaha dalka Kenya ayaa iyagana sidoo kale ku jira shaqo joojin tan la mid ah.

Shaqo joojinta ayaa waxa ay tijaabo u tahay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo raadinaya in mar kale dib loo doorto, doorasho dhaceysa dhowr bilood un kadib.

XS
SM
MD
LG