Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Diidey Xiritaanka Dhadhaab


Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagt ku sameysay go'aankii ay dowladda ku dooneysay inay albaabada ugu laabto xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu weyn ee qaxooti martigelisa dunida.

Maxkmadda sare ayaa go'ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn, xad gudubna ku ah xuquuqda qaxootiga, si gaar ahna u bar tilmaameedsaday qaxootiga Soomaalida.

Dowladda Kenya ayaa horey waqtiga xiritaanka xerada Dhadhaab dib ugu dhigtay illaa bisha May ee sanadkan.

Kenya ayaa xiritaanka Dhadhaab cudur daar uga dhigtay falalka amni darro ee qeybo ka mid ah dalkaas ka dhaca, waxayna shegtay in weerarada Al-Shabaab ay dalkaas ka fuliso lagu diyaariyo xerada.

Wariyeheenna Nairobi Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan inoo soo diray.

Xiritaanka Dhadhaab oo la diiday
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00

XS
SM
MD
LG