Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada: Masjid la Weeraray oo lagu Dilay 6 Qof


Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday masjid ku yaalla magaalada Quebec City ee dalka Canada, goor dambe oo axaddii ahayd, halkaasi oo uu ku dileen lix qof, kuna dhaawaceen sideed kale.

Afhayeen u hadashay booliiska ayaa sheegtay in laba qof oo lagu tuhunsan yahay weerarka la xiray, hase yeeshee ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Madaxa xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec City ayaa sheegay in markii weerarka uu dhacay ay muslimiinta ku guda jireen salaaddii maqrib. Illaa 53 qof ayaa goobta ku sugnaa, sida ay sheegeen booliiska.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa cambeereeyey weerarka kuna sheegay “weerar argagixiso oo lagu qaaday muslimiinta”, waxa uuna sheegay in dalkiisa uu qiimeeyo kala duwanaanshaha iyo dulqaadka diimeed.

“Muslimiinta Canada waxay qeyb muhiim ah ka yihiin dhismaha Canada, islamarkaana ficilladan aan dareenka lahayn qeyb kama ahan bulshadeena, magaalooyinkeena iyo dalkeena” ayuu yiri Trudeau.

Bishii June, ayaa madax doonfaar waxaa sidoo kale looga tagey albaabka masjidka iminka weerarka lagu qaaday.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa wararkii ugu dmabeeyye ka waraystay Cabdraxmaan Kaahin oo ah u sharraxan xibsiga Liberal-ka ee haya talada waddanka.

Masjid la weeraray
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG