Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Weeraray Saldhigii Kenya ee Kulbiyow


Shabaab
Shabaab

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa qabsaday sladhigii ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee magaalada Kulbiyow ee J/Hoose, oo 18 km u jirta xuduudda Kenya, sida ay dadka deegaanka u sheegeen VOA.

Tobaneeyo dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada ah ayaa la rumeysan yahay in weerarka lagu dilay hase yeeshee weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyihii degmadaasi Maxamed Tooxyare Nuux oo uu ku dhintay weerarka, isaga oo ku dhex sugnaa saldhigga markii Shabaabka ay soo weerareen.

Laba ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in mintidiinta kooxda Al-Shabaab ay saldhigga weerareen oo ay qabsadeen subaxnimadii jimcaha.

Weerarka ayaa ku billowday baabuur xamuul oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo saldhigga lagu qarxiyey, waxaana xigay rasaas xooggan iyo ciidamo dhulka ah oo weerar ku qaaday.

Sarkaal ka tirsan milatariga dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in diyaarad nooca la hago ah ay sawirtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, kadibna ay ku rideen hoobiyeyaal balse ay awoodi waayeen inay joojiyaan.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ayaa la dagaalamay Shabaabka iskuna dayey inay joojiyaan weerarka, hase yeeshee mintidiinta ayaa qaraxyo kale sii sameeyey siina waday weerarka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo 90 daqiiqo ah, ayna Shabaabka ka awood badiyeen ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya.

Al-Shabaab ayaa lagu warramayaa in markii dambe ay saldhigga ka baxeen.

Ciidamada ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo kuwo Kenya ka socday ayaa la sheegay inay haatan kusii jeedaan Kulbiyow.

Diyaardo iskugu jira helikobtarro iyo diyaaradaha kale ee dagaalka ayaa la sheegaya inay dul haadayaan magaalada.

Hadaba sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiligii weerarka uu billaabanayay ku sugnaa xerada taliska ayaa u warramay weriyahayaga Khadar Maxamuud Xareed.

Weerar lagu qaaday Kulbiyow
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00

XS
SM
MD
LG