Isku xirrada

Trump oo Canshuurta Ku Kordhinaya Mexico


Trump and Pena Nieto

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu heysto ikhtiyaarro badan oo ku saabsan sida ugu haboon ee ay Mexico u bixi karto derbiga uu rabo inuu ka dhiso xadka uu Mareykanka la wadaago dalka Mexico.

Qorshaha Trump ee dhisida derbiga xuduudka koofureed ee Mareykanka ayaa sababay mugdi soo kala dhex-galay xiriirka labada wadan, maalmo yar kadib marki talada dalkan Mareykanka uu la wareegay madaxweyne Donald Trump.
Goor sii horeysay oo shalay aheyd, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Sean Spicer ayaa wariyaasha u sheegay in Trump uu doonayo inuu boqolkiiba 20 ku kordhiyo canshuurta laga qaado badeecada ay Mexico usoo dhoofiyo Mareykanka.

Tallaabadaasi ayuu ku sheegay in ay ka dhigantahay in Mareykanka uu ka heli doono 10 bilyan oo dollar sanadkiiba, taasoo ku filan lacagta uu rabo inuu Trump ku dhiso darbiga xadka koofureed ee Mareykanka.

Madaxweynaha Mexico, Enrique Peña Nieto ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu kansalay kulan lagu waday inuu todobaadka soo aadan magaalada Washington kula qaato madaxweynaha cusub ee Mareykanka Trump.

XS
SM
MD
LG