Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Maanta Qabsaday Badhaadhe


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamada Kenya iyo Ciidamo kale oo Ajanabi ah ayaa saaka waabarigii weerar ku qaadaay degmada Badhaadhe ee Gobbolka Jubbada Hoose, halkaasi oo saldhig u ahayd maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo qof rayid ah ayaa ku geeriyootay weerarka.

Qofka rayidka ah ee geeriyooday ayaa la sheegay inay ahayd haweeney.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in degmada ay la wareegeen ciidamada ajanabiga ah oo magaalada ka soo galay dhanka waddada Kulbiyoow, waxaana maanta barqadii magaalada soo gaaray ciidamada Jubband.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa weeerarkan ka waraystay Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Janan oo sheegay in ciidamada Jubbaland ay weerarkaasi qayb ka ahaayeen, ugu horraynse waxa uu ka hadlayaa hub lagu qabtay dekedda magaalada Kismaayo.

Ciidamo qabsaday Badhaadhe
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:25 0:00

XS
SM
MD
LG