Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoonka Aqalka Sare oo la Doortay


Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyaha Aqalka Sare u dooretay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo doorasho dhacday ku helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay. Xildhibaan Xaashi ayaa ka adkaaday Mustaf Qodax oo isagu helay 9 cod. Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ayaa loo doortay Abshir Maxamad Axmed oo helay 30 cod, isagoo wareeggii saddexaad uga guuleystay Cabdi Axmed Dhuxulow oo la tartamayay.

Haddaba weriyaha VOA Muqdisho Axmed Xasan Colaad ayaa doorashada ka dib wareysi la yeeshay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee cusub Abshir Maxamed Axmed.

Dhageyso warbixinta Aqalka Sare
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

XS
SM
MD
LG