Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Millatariga Senegal oo Gudaha u Galay Gambia


Senegalese troops amassing at the Gambian border near the Senegalese town of Karang, Jan. 19, 2017. (R.Shryock /VOA)
Senegalese troops amassing at the Gambian border near the Senegalese town of Karang, Jan. 19, 2017. (R.Shryock /VOA)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u aqoonsaday Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow inuu yahay hogaamiyaha sharcigaah , xilli madaxweyne Yahya Jammeh uu wali diidanyahay inuu awooda wareejiyo.

15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ayaa si buuxda isugu raacay qaraar qabya ahaa oo ay soo diyaarisay Dowlada Senegal, kaasoo lagu cambaareeyey diidmada uu madaxweyne Yaxye Jaameh diiday inuu si nabad ah xilka ugu wareejiyo madaxweyne Barrow.

Munaasabad shalay ka dhacday safaarada Gambia ay ku leedahay dalka deriska la ah Gambia ee Senegal, ayaa lagu dhaariyey madaxweyne Adama Barrow.

Dhanka kalana, ciidamada dalka Senegal ayaa gudaha u galay dalka Gambiya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Senegal.

Ugu yaraan laba wakaaladood oo kuwa wararka fidiya ah, ayaa kasoo xigtay afhayeenka ciidanka Dowlada Senegal in ay gudaha u galeen dalka Gambia si buu yiri ay u xaqiijiyaan amniga.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Nigeria ayaa isna sheegay in ciidamada Nigeria Iyana la geeyey Gambia, si ay u ilaaliyaan amniga dalka aadka u yar ee Gambia.

XS
SM
MD
LG