Isku xirrada

War Deg-Deg ah

60 Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Mali


Koox xagjir ah oo xiriir la leh ururka al-Qaida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerar isqarxin ah oo Arbacadi shalay lala eegtay xero milatari oo ku taala waqooyiga dalka Mali, halkaas oo ay ku dinteen ugu yaraan 60 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 115 kale.

Baabuur walxaha qarxo lagu soo xiray ayaa gudaha u galay xerada oo ku taala magaalada Gao, xilli ay boqolaal ciidanka ka tirsan ay u fadhiyeen kulankooda subaxlahaa ahaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Mali, Abdoulaye Diop ayaa weerarkaaasi ku tilmaamay danbi fulaynimo iyo waxshinimo ah.

Wuxuu sheegay in Mali ay sadex maalmood u baroordiiqi doonto askarti ku dhimatay weerarka, isaga oo wacad ku maray in lasoo qaban doono kuwi ka danbeeyey lana ciqaabi doono.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xoogaga xaqjirka ah ay sanadki hore dileen 29 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee jooga Mali, walina ay khatar ku yihiin waqooyiga iyo bartamaha dalka Mali.

XS
SM
MD
LG