Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Earnest: Trump Ha Kala Doorto Sirdoonka iyo Russia


Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ay tahay inuu kala doorto ciddii uu la jirsan lahaa sirdoonka Mareykanka, Russia ama WikiLeaks.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ay tahay inuu kala doorto ciddii uu la jirsan lahaa sirdoonka Mareykanka, Russia ama WikiLeaks.

Josh Earnest ayaa ka jawaabayay su’aal la weydiiyey oo ku saabsaneyd eedeynta madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu u jeediyey maamulka madaxweyne Obama oo ku saabsaneyd inay isku dayayaan inay wiiqaan Trump, ayaga oo faafinaya warar been abuur ah.

Putin ayaa toddobaadkii tagay sheegay in warbixin sirdoon oo la sii daayey oo ay ku jireen eedeymo ka dhan ah Trump ay qeyb ka ahayd dadaal “lagu waxyeeleenayo sharci ahaanshaha madaxweynaha la doortay”.

Earnest ayaa difaacay sirdoonka Mareykanka oo uu sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo ay sheegaan hadallo aysan Ruushku jecleysan.
“Arrimahan waa waxyaabo Ruushku uusan jeclaan lahayn inay maqlaan” ayuu yiri Earnest. “Hase yeeshee ugu dambeyn waa waxa ay tahay in maamulka xiga ee Mareykanka ay kala doortaan”

Trump ayaa ku eedeeyey sirdoonka Mareykanka inay dusiyeen akhbaar aan sal lahayn oo Trump la xiriirisay dowladda Ruushka, wuxuuna su’aal ka keenay in agaasimaha CIA JohnBrennan uu arrintan ka dambeeyey.

XS
SM
MD
LG