Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo $864 Milyan u Dalabtay Gargaarka Somalia


Peter De Clercq
Peter De Clercq

Hay’adaha bani’aadminimada ee Soomaaliya ayaa raadinaya $864 million oo dollar oo ay gaadhsiiyaan 3.9 million oo qof oo u baahan badbaadin iyo gargaar bani’aadminimo, gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa warkan lagu lagu sheegay qorshaha gargaarka bani’aadminimo ee Soomaaliya ee 2017-ka oo maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho, iyadoo bulshada caalamka loogu baaqay inay taageeraan hawlgalada iyo baahida aadaminimo ee deg dega ah.

Isu duwaha xafiiska Qaramada Midoobay ee bani’aadminimda Soomaaliya Petter de Clercq ayaa sheegay in xaalada aadaminimo ay tahay mid ku adag malaayiin qof oo Soomaali ah, islamarkaana ay waajahayaan in tirada dadku ay sii kordhayaan badankooduna ay halis ugu jiraan in xaaladoodu sii xumaato una gudubto macluul.

Daahfurka qorshahan ka jawaabida garrgaarka bani’aadminimo ayaa imanaya iyadoo ay sii xumaanayso xaalada aadamanimo ee Soomaaliya, waxaanay la sheegay in xaalada abaarta ee sii kordhaysa ay keentay in boqolaal kun oo Soomaali ah ay waajahaan cuno iyo biyo yaraan xoogan.

Waxaa warsaxaafadeedkan lagu sheegay in shan million oo qof ay u baahan yihiin gargaar aadamanimo, kuwaasi oo 320 kun oo caruur ah oo da’doodu ay ka hoosayso shan jirna ay hayso nafaqo darro una baahan yihiin gargaar deg deg ah, halka 50 kun oo kale oo caruur ahina ay hayso nafaqo darro xoogan oo ka dhigtay inay ka nuglaadaan dhamaan qaybaha kale.

Waxa kale oo war murtiyeedakani lagu sheegay in 1.1 million oo qof ay dalka gudihiisa ku barokaceen halka 3.3 qof oo kalena aanay haysan gargaar caafimaad oo deg deg ah una baahan yihiin in kor loogu qaado helitaankoodabiyaha, nadaafada iyo fayodhawrka, sidoo kalena dhalmada hooyaduna ay tahaymid ka mid ah khataraha haysta haweenka Soomaaliyeed taasi oo haweenka umul arooraya ay ka mid noqdeen kuwa ugu sareeya dunida iyadoo 1000 kii hooyaba ay umul arooraan ama umusha ku dhintaan 732 ka mid ah.

Mr. Clercq ayaa sheegay in loo baahn yahay taageero deg deg ah si looga hortago xaaladan bani’aaminimo ee adag.

XS
SM
MD
LG