Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Askari oo Maanta Lagu Dilay Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in abaarihii 5-tii galabnimo ee maanta ay dabley hubeysani toogasho ku dileen Laba Askeri oo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen idaacadda VOA.

Ciidamada ayaa xiligaas ku guda jiray sugida amniga wadada halbowlaha u ah ganacsiga iyo isu socodka magaalada uguna mashquulka badan.

Dableydii falkan geysatay ayaa baxsaday, mana jirto ilaa iminka wax war ah oo ay mas’uuliyiinta Puntland ka soo saareen dhacdadaas.

Bishii tagtay ayaa magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay dhowr dil oo loo gaystay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

20-kii December, Nin Baastoolad ku hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aaden Gaas Huruuse.

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland ayaa 16-kii December u geeriyooday dhaawac halis ah oo kooxo hubeysan ay magaalada ugu geysteen maalin ka hor.

XS
SM
MD
LG