Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Bari


Ciidamada Puntland
Ciidamada Puntland

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in xalay dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka Af-urur oo ka tirsan gobolka Bari.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyo kooxda Al-Shabaab ka tirsan oo weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaankaas.

Sida ay goobjoogayaasha iyo masuuliyiinta deegaanka noo sheegeen dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kale duwan, ayaa waxaa ku dhintay 7 qof, dhowr qof oo kalena wey ku dhaawacmeen.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa dagaalka ka wareystay Maxamed Geedi Saalax oo ah guddoomiyaha tuulada Af-urur ee gobolka Bari.

Dagaal ka dhacay Bari
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:41 0:00

XS
SM
MD
LG