Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Oman oo Lagu Wareejiyey Maxaabiis Guantanamo ku Jiray


Dowladda Oman ayaa maanta sheegtay inay milatariga Mareykanka ka aqbashay 10 maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba.

Magacyada iyo dhalashada maxaabiistan ayaan weli la shaacin.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa markii uu xafiiska qabtay bishii January ee sanaddii 2009 waxa uu wacad ku maray inuu xirayo xabsiga Guantanamo, isaga oo sheegay inuu yahay xabsi aan ka tarjumin qayimka Mareykanka, sababtoo ah maxaabiista oo sanado badan la iska hayo ayada oo aan maxkamad la saarin.

Dadka arrimahan indha-indheeya ayaa sheegaya in maxaabiis kale oo dheeri ah lasii deyn doono saacadaha ugu dambeeya ee maamulka Obama.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan xiri doonin Guantanamo, sababto oo ah waaxa uu doonayaa “inuu ka buuxiyo ragga xun”.

Guantanamo oo ah saldhig Mareykanka uu ka kireystay maamulkii Fidel Castro ee Cuba ayaa waxaa xabsi u rogay madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush, kadib weeraradii aragagixiso ee Mareykanka lagu qaaday bishii September ee 2001 oo lagu dilay ku dhowaad 3000 oo qof.

XS
SM
MD
LG