Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Israel oo Weerar ku Qaaday Syria'


Ciidamada Syria ayaa maanta sheegay in Israel ay weerar gantaallo ku qaaday saldhig milatariga Syria ay ku leeyihiin meel u dhow magaalada Damascus, taasi oo dhalisay qaraxyo dhowr oo aad u weyn.

Syria ayaa waxa ay Israel uga digtay “cawaqib xumada” ka dhalan karta “weerarkan ku talo-galka ah”. Waxa kale oo ay sheegtay inay sii wadi doonto la dagaalanka “argagixisada”.

arbaahinta dowladda Syria ayaa sheegtay in weerarka laga soo qaaday meel u dhow Lake Tiberias ee waqooyiga Israel.

Warka kasoo baxa ciidamada Syria laguma sheegin haddii ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, hase yeeshee gantaalaha ayaa dhaliyey dab xooggan.

Israel ayaa hadda ka hor dhowr goor beegsatay fariisimo ay kooxda Hezbollah ee dalka Labenon ku leeyihiin gudaha Syria, halkaasi oo maleeshiyada taageerada ka helaysa Iran ay ka dhinac dagaalamaan ciidamada dowladda Syria.

Saraakiisha difaaca Israel ayaa horey walaac uga muujiyey ku lug lahaanshaha Hezbollah ee dagaallada sokeeye ee Syria.

XS
SM
MD
LG