Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye ku Xigeenada BF oo la Doortay


Codeyn
Codeyn

Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta loo doortay inuu noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday xarunta baarlamanka.

Muudeey ayaa wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay ku tartameen, isaga oo helay 164 cod, halka Faaraax uu ka helay 93 cod, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka.

Musharaxa guuleysanaya ayaa waxaa looga baahnaa inuu helo codadka 139 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka oo ah 50% oo lagu daray hal.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa waxaa isna loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo sidoo kale xilka ka hayey baarlamaankii hore.

Mahad ayaa helay 171 cod, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo la tartamay uu helay 88 cod.

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG