Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Guddoomiye ku Xigeenada BF oo Socota


Xarunta baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socota doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamanka Soomaaliya ee kala ah koowaad iyo labaad.

Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada ayaa sheegaya in wareega koowaad sidan codadka loo kala helay:-

Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxa uu helay 111 cod, halka Faarax Cabdulqaadir uu isna helay 94 cod.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa heshay 26 cod, ayada oo Xildhibaan Saciid Xuseen uu helay 17 cod.

Sharciga ayaa dhigaya in afarta musharax ay ugu sarreysa ay u gudbayaan wareegga labaad, maadaama midkoodna uusan helin 139-ka cod ee loo baahnaa.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay ka tanaasushay musharaxnimadeeda. Waxaa sidoo kale isna tanaasulay xildhibaan Saciid Xuseen.

Sidaas darteed waxaa wareegga labaad u gudbay Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Faarax Cabdulqaadir.

Dhinaca guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka waxaa ugu cod batay afarta musharax ee soo socota, oo u gudbaya wareegga labaad.

Mahad Cabdalla Cawad: 71 cod

Cabdulqaadir Bagdaadi 51

Prof. Cabdiraxmaan Ibbi 36

Burhaan Aadan Cumar.

Cabdiraxmaan Ibbi iyo Burhaan Aadan ayaa sheegay inuu ka tanaasuleen musharaxnimadooda, sidaas darteedna, waxaa wareega labaad ku loolamaya Mahad Cabdalla iyo Bagdaadi.

XS
SM
MD
LG