Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Guuleed oo Diiday Go'aanka Xildhibaanada


Madaxweynaha Galmudug
Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.

Xubnaha maanta fadhiistay oo gaadhaya illaa 54 mudane, ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug, hase ahaatee Guddoomiyihii ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho, isaga oo hore u sheegay inuu wakhtiga fasaxa u kordhiyey xildhibaannada, xaalado jira awgood.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo waraysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu yahay fasax muddo 45 cisho, gudoomiyaha baarlamaankana uu joogo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada maanta shiray ay ku kulmeen meel aan ahayn xarunta baarlamanka, taasina ay sharci darro ka dhigeyso kulankooda.

Cabdikariim Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in tallaabada xildhibaanada ay maanta qaadeen ay tahay mid qas looga abuurayo Galmudug, oo ay ka dambeeyaan dhinacyo kale oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan jiritaanka Galmudug.

Guuleed ayaa Muqdisho ugu warramay weriyaheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Wareysi: Cabdikariim Guuleed
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:03 0:00

XS
SM
MD
LG