Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Sheegay inay Xilka ka Qaadeen Guuleed


Guuleed
Guuleed

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xubnaha fadhiistay ayaa gaadhaya illaa 54 mudane, waxana shirguddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug.

Hase ahaatee Guddoomiyihii ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho, isaga oo hore u sheegay inuu wakhtiga fasaxa u kordhiyey xildhibaannada, xaalado jira awgeed, waxaana maalmahan soo baxayey khilaaf u dhexeeyey baarlamaanka Galmudug.

Illaa haatan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug kama hadlin go’aankan ay soo saareen qaybo ka mida baarlamaanka Galmudug.

Guud ahaan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa gaadhaya illaa 89 xildhibaan, hase ahaatee waxaa madasha ka maqnaa 35 xildhibaan oo uu ku jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale Xubnaha Baarlamaanku kumay shirin xaruntii fadhiga u ahayd hase ahaatee waxay ku shireen hotel ku yaalla magaalada Cadaado.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed ayaa wareysi uu siiyey VOA waxa uu sharci darro ku tilmaamay tallaabada xildhibaanada.

Haddaba Nuur Xasan Bukhaari ayaa go’aanka baarlamaanka ka waraystay Xareed Cali Xareed oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Wareysi: Xareed Cali Xareed
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

XS
SM
MD
LG