Isku xirrada

Netanyahu oo Weerarkii Jerusalem ku Eedeeyey Daacish


Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu

Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa weerarkii baaburka xamuul loo adeegsaday ee axaddii ka dhacay magaalada Jerusalem ku eedeeyey kooxda Daacish.

Afar Askari oo israa’iiliyiin ah oo saddex ay ahaayeen haween, midna rag ayaa lagu dilay weerarka.

Netanyahu waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Israel ay aqoonsadeen in qofka weerarka geystay uu ahaa Falastiini kasoo jeeda bariga magaalada Jerusalem.

“Waanu aqoonsannahay qofka weerarka geystay. Sida ay muujinayaan dhammaan astaamaha waa qof taageera kooxda Daacish” ayuu yiri Netanyahu.

Waxa kale oo uu sheegay in mas’uuliyiinta ay heleen xiriir ka dhaxeeya weerarka Jerusalem iyo weeraro la mid ah oo sanaddii tagtay ka dhacay dalalka France iyo Jarmalka, hase yeeshee ma uusan bixin wax faahfaahin ah.

Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xanibeen Bariga Jerusalem, halkaasi oo qofka weerarka gaystay uu ku noolaa, islamarkaana ay qorsheynayaan tallaabooyin kale oo looga hortagayo weeraro kuwaas la mid ah.

Weerarka ayaa lagu dilay afar askari ayada oo 15 qof oo kale lagu dhaawacay markii baabuurka lagu jiiray askar dhinac taagneyd goob basaska laga raaco.

XS
SM
MD
LG