Isku xirrada

Ninkii Fuliyey Weerarka Istanbul oo la Aqoonsaday


Turkey Syria Aleppo

Turkey Syria Aleppo

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in mas’uuliyiinta ay aqoonsadeen ninkii fuliyey weerar lagu dilay 39 qof oo habeenkii sanadka cusub lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istanbul.

Cavusoglu ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, hase yeeshee ma uusan magacabain qofka weerarka fuliyey.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa raadinayey qofka weerarka geystay tan iyo subaxnimadii hore ee axadda, markaasi oo uu ka baxsaday baarka uu weeraray ee Reina.

Warbaahinta Turkiga ayaa talaadadii baahiyey muuqaalka nin ay sheegeen inuu yahay kan weerarka fuliyey oo socda agagaagarka fagaaraaha Taksim ee Istanbul. Ma cadda waqtiga la duubay muuqaalkaas.

Wakaaladda wararka Anadolu ayaa sidoo kale maanta sheegtay in mas’uuliyiinta ay xireen shan qof oo kale oo lala xiriirinayo weerarka.

XS
SM
MD
LG