Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga: Ninkii Weeraray Istanbul oo Weli la Raadinayo


Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay inay u dhawyihiin in ay aqoonsadaan heybta nin 39 ruux ku dilay habeenkii sanadka cusub ee 2017 goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Turkiga Nucmaan Kurtulmush ayaa wariyaasha u sheegay Isniintii in ay hayaan faro laga qaaday goobta iyo xogo muhiim ah oo ku hoggaaminaya aqoonsiga ninka hubeysnaa ee weerarka geystay.

Waxa kale oo uu sheegay in la qabtay sideed ruux oo lala xiriirinayo weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Weerarki habeenkii Axada ayaa lala eegtay xarun lagu caweeyo oo lagu magacaabo Reina oo ku taala degmada Bashiktash ee magaalada Istanbul.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa u badnaa ajnabi badankood kasoo jeeda dalalka Carabta.

Qiyaastii 600 oo qof ayaa ku sugnaa gudaha baarka markii weerarka uu dhacay, ayada oo qaar ka mid ah ay isku tuureen marinka Bosporus, si ay weerarka uga baxsadaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu isku daray dadkii baarka ka baxsanayey. Marka laga soo tago dadka la dilay, 70 qof oo kale ayaa weerarka lagu dhaawacay.

XS
SM
MD
LG